Cabdullaahi Xasan Yacquub — 89
4:66 66. Haddaan ku faral yeeli laheyn (munaafiqinta): Dila nafahiinna ama ka baxa guryihiinna (sidaan ugu faral yeelnay reer Israa’iil) ma ay faleen sidaas in yar oo ka mid ah maahee. Hadday fali lahaayeenna waxa lagu waaniyo baa u roonaan laheyd, oo xoojin laheyd (iimaankooda);
4:67 67. Waxaan markaas ka siin laheyn Xaggayaga Ajar Weyn.
4:68 68. Waxaana ku hanuunin laheyn Jid Toosan (Islaamka).
4:69 69. Qofkii adeeca Alle iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), kuwaa waxay ahaan la jirka kuwa uu u nicmeeyey Alle, ee leh Nabiyada iyo run badnayaasha iyo shuhadada iyo wanaagsanayaalka, wanaagsanaana kuwaas oo lala noqdo rafiiq.
4:70 70. Kani waa Fadli xagga Alle ah, kuna Filan Alle inuu yahay wax kasta Oge.
4:71 71. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qaata digtoonidiinna, oo u baxa (dagaalka) idinkoo koox koox ah, ama baxa oo duula giddigiin idinkoo wada jira.
4:72 72. Waxaa idinka mid ah mid isagu dib idiin dhiga. Hadday idinku dhacdo musiibo yidhaahda: Alle waa iigu nicmeeyay in aanaan goob joog la ahayn.
4:73 73. Haddaadse ka heshaan fadli xagga Alle, wuxuu odhan - sidiiyoo ayna idinka iyo isaga marnaba ka dhexeynin kalgacal: Alla aniguye! Haddaan la jiri lahaa, markaa waxaan liibaani lahaa liibaan weyn.
4:74 74. Ee ha ku dagaallamaan Jidka Alle kuwa iibsha nolosha adduunkan oo siista Aakhirada, qofkii u dagaallama Jidka Alle, markaa la dilo ama lib hela, waxaan siineynaa Ajar aad u Weyn.