>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 71

3:158 158. Haddaad dhimataan ama la idin dilo, hubaal Alle Xaggiisaa la idiin soo kulmin.

3:159 159. Sidaas waa Naxariista Alle darteed inaad ula dhaqanto si nugul, haddaad ahaan laheydna mid qallafsan, qalbi adag, waxay ka kala yaaci lahaayeen hareerahaa- ga; ee iska cafi oo u denbi dhaaf dalab oo kala tasho arrinka, markaad goosato arrinna isku hallee Alle. Alle wuu jecel yahay kuwa isku halleeya oo tala saarta.

3:160 160. Hadduu Alle idiin gargaari, markaa ma jiraan wax idinka adkaan kara; hadduu idinka goostona, waa kuma kan idiin gargaari Isaga ka dambow? Alle uun ha isku halleeyeen mu’miniintu oo ha tala saarteen.

3:161 161. Kama suurowda Nabi inuu wax khiyaano (oo booli qaato), qofkiina wax khiyaana (ama booli qaata ha ahaato mid qof leeyahay ama mid qaran) wuxuu keeni waxa uu khiyaanada ku qaatay Maalinta Qiyaamaha [36]. Waxaana naf walba loogu oofin si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn.

3:162 162. Ma mid raaca Raalli gelinta Alle baa la mid ah kan mutaysta Cadhada Alle, hoygiisuna yahay Jahannama, oo u xun meel la ahaado.

3:163 163. Waxaa jira darajooyin (kala duwan) Alle agti. Alle wuu arkaa waxay fali.

3:164 164. Alle wuxuu ku manneystay (Nicmo Weyn) mu’miniinta markuu ka soo saaray dhexdooda Rasuul ka mid ah (Nabi Muxammad), u akhriyaya Aayadihiisa, daahirinaya, barayana Kitaabka iyo Xikmadda inkastoo taa ka hor ay ku sugnaayeen habow cad.

3:165 165. Ma markay idinku dhacday dhibaato, iyadoo idinkuba aad ku dhigteen (gaalada) labo laabkeed ayaad billowdeen inaad tidhaahdaan: Xaggee buu nooga yimid arrinkani? Dheh: Waa xagga nafahiinna. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.