Cabdullaahi Xasan Yacquub — 68
3:141 141. Waa si uu Alle u daahiriyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo u baabbi’iyo gaalada.
3:142 142. Mise waxaad mooddaan inaad gali jannada isagoon Alle muujin kuwiinna jihaada [26] oo idinka mid ah, oo (sidoo kale) muujin samrayaasha?
3:143 143. Waxaadna jecleydeen dhimashada (shaiidnimo) ka hor intaydaan la kulmin. waadna aragteen 'geerida' idinkoo eegaya.
3:144 144. Muxammad ma aha waxaan ahayn Rasuul (Alle), Waxaa tagay hortiis Rusul (badan). Ee hadduu dhinto [27] ama la dilo ma waxaad dib ugu gaddooomi lahaydeen cirbihiinna? Qofkii dib ugu gaddooma cirbihiisa, waxba uma dhimayo Alle. Alle waa u abaal gudi kuwa mahdiya.
3:145 145. Nafna ma dhimato Idanka Alle ma`ahee waqtiga waa la gooyey. Qofkii raba abaalka adduunyadan, wax baan ka siin, qofkii rabana abaalka Aakhirada, wax baan ka siin. Waanu u abaal gudi kuwa (Alle) mahdiya (af, uur, iyo addinba).
3:146 146. Badanaa inta Nabi oo ay la jireen Rabbi yaqaanno dagaallami oo tiro badan. Marnaba kuma ay qalbi jabin waxa ku soo gaaray jidka Alle, kumana ay jilcin, ismana ay liidin. Alle wuu jecel yahay kuwa samra.
3:147 147. Ma ahayn qowlkoodu waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo dhaaf denbiyadayada, iyo ku xadgudubka arrinkayaga, noo sugna cagahayaga, noogana gargaar qoloda gaalada ah.
3:148 148. Markaasuu Alle siiyey abaalka Adduunyadan iyo abaalka wanaagsan ee Akhirada (Janno). Alle wuu jecel yahay sama falayaasha.