Cabdullaahi Xasan Yacquub — 596
92:10 10. Waxaan u fududeyneynaa jidka xun (dhabbaha Naarta);
92:11 11. Maalkiisu wax uma taro markuu halaagsamo.
92:12 12. Annagaa xaqiiq wax hanuuninna,
92:13 13. Oo Annagaa xaqiiq leh Aakhiro iyo adduunba.
92:14 14. Waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa.
92:15 15. Uusan galaynin qof xun mooyaane.
92:16 16. Ee (Xaqa) beeniya oo ka jeesada.
92:17 17. Waxaana laga fogeyn (Naarta) kan (ka) dhowrsada (shirkiga iyo xumaha kale).
92:18 18. Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo.
92:19 19. Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal uu u gudayo.
92:20 20. Waxse u bixiya doonista Wejiga Rabbigi, ee Sarreeya.
92:21 21. Wuu raalli noqon doonaa qofkaasi.
93:1 1. Waxaan ku dhaartay Barqada.
93:2 2. Iyo habeenka markuu xasilo (madoobaado).
93:3 3. Rabbigaa kaama tagin (Nabi Muxammadow), mana uu kuu cadhoon.
93:4 4. Aakhiro baa kaaga khayr badan noloshatan (hore ee adduunka).
93:5 5. Rabbigaa baa ku siin (khayr badan), waadna raalli noqon.
93:6 6. Miyuusan ku helin adigoo agoon ah oo ku hoyaadin?
93:7 7. Oo ku helin adigoo habowsan oo kuma hanuunin?
93:8 8. Oo ku helin adigoo caydh ah oo kuma hodmin?
93:9 9. Ee agoon, ha dhibin.
93:10 10.Kan wax ku weydiistana, ha ku qeylin.
93:11 11. Nicmadda Rabbigaana (Islaamka, Towxiidka, Qur'aanka, Xaqa, sheeg (oo ka mahad celi).
94:1 1. Miyaanaan kuu waasicinnin (Nabi Muxammadow) laabtaada?
94:2 2. Oo sidaa kaaga dejin culeyskii ku saarnaa [1],