Cabdullaahi Xasan Yacquub — 593
88:23 23. Qofkiise (Xaqa) ka jeesada oo gaalooba;
88:24 24. Wuxuu Alle ku cadaabi cadaab aad u weyn.
88:25 25. Hubaal waa Xaggayaga meel noqodkoodu;
88:26 26. Markaas hubaal Annagay na saaran tahay xisaabintooda.
89:1 1. Waxaan ku dhaartay waaberiga,
89:2 2. Iyo habeennada tobanka ah [1].
89:3 3.Iyo dhabanka iyo witirka (tirada is dheer).
89:4 4. Iyo habeenka markuu (soo galo ama) baxo.
89:5 5. Miyey dhaarahaasi ahayn wax uu ku qanco in loogu dhaarto qof caqli leh?
89:6 6. Mawaadan ogaan sida (Alle) Rabbigaa u galay (reer) Caad?
89:7 7. Qolodii Iram, ee xoogga lahaa, aadna u dhaadheeraa [2].
89:8 8. Aan wax la mid ah lagu abuurin dhulka.
89:9 9. Iyo (siduu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad).
89:10 10. Iyo (siduu u galay) Fircoon, ee tiirarka lahaa (iyo ciidammada tirada badan)?
89:11 11. Kuwaasoo ku xadgudbay dhulka.
89:12 12. Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda?
89:13 13. Markaasuu Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah.
89:14 14. Xaqiiq, Rabbigaa baa u jeeda (addoomahiisa) oo gaar ka haya.
89:15 15. Aadmiga (kan gaalka ahi), markuu Rabbigi imtixaano oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay.
89:16 16. Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday.
89:17 17. Mayee’ ma daryeeshaan agoonka.
89:18 18. Oo iskuma boorrisaan in masaakiinta wax la siiyo.
89:19 19. Waxaadna cuntaan dhaxalka cunid xaqdarro ah.
89:20 20. Oo aad jeceshihiin maalka jaceyl daran.
89:21 21. Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo,
89:22 22. Oo Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah.