Cabdullaahi Xasan Yacquub — 577
74:48 48. Marka waxba u tarimeyso shafeecada kuwa shafeeca.
74:49 49. Ee maxaa heysta iyaga oo ay uga jeestaan (qaadashada) waanada?
74:50 50. Sida inay yihiin dameero duur joog ah oo didsan.
74:51 51. Ee ka soo cararay libaax?
74:52 52. Mayee, qof walba oo ka mid ahi wuxuu rabaa in la siiyo kitaab faahfaahsan (oo xag Alle ah).
74:53 53. Mayee! balse, kama cabsadaan Aakhirada (Ciqaabka Alle).
74:54 54. Mayee, hubaal kani (Qur’aanka) waa waano.
74:55 55. Ee qofkii rabaa ha ku waano qaato.
74:56 56. Ma waantoobayaanse in Alle doono maahee; waa Isaga Kan mudan inay aadmigu ka cabsadaan, oo mudan inuu Denbi Dhaafo.
75:1 1. Waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha.
75:2 2. Waxaan (kaloo) ku dhaartay nafta is eedda [1] 'in la idin soo bixin Aakhirada'.
75:3 3. Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu soo kulmineyn lafahiisa?
75:4 4. Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan.
75:5 5. Wuxuuse Aadmigu dooni inuu beeniyo waxa ka horreeya 'ee sugaya' [2].
75:6 6. Wuxuu weydiin: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha?
75:7 7. Ee marka araggu argagaxo (taagmo).
75:8 8. Oo dayaxu madoobaado.
75:9 9. Oo la kulmiyo qorraxda iyo dayaxa.
75:10 10. Aadmigu wuxuu Maalintaas odhan: Xaggee loo cararaa?
75:11 11. Mayee! Ma jiro agab (meel la magan galo).
75:12 12. Xagga Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah.
75:13 13. Waxaa looga warrami Aadmiga Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday.
75:14 14. Balse Aadmigu wuxuu ku marag furi naftiisa Isagaana is og.
75:15 15. Si kasta hadduu u cudurdaarto (wax uma tarto cudur daarasho).
75:16 16. Ha ku dhaqaajin (Nabiyow) carrabkaaga (markuu Waxyigu soo degayo) inaad ku degdegto (Qur’aanka akhrintiisa).
75:17 17. Xaqiiq, waa xil Annaga na saaran inaan ku kulminno (laabtaada, ku xifdisiinno) oo kuu (sahalno) akhrintiisa (iyo fahankiisa).
75:18 18. Ee markaan akhrinno (Jabriil kuu akhriyo) u raarici (maqalka) akhriskiisa.
75:19 19. Kaddib xaqiiq Annaggay na saaran tahay inaan kuu caddeyno (fasirkiisa).