Cabdullaahi Xasan Yacquub — 562
67:1 1. Waxaa khayr iyo barako badan (Alle) ay Gacantiisu ku jirto Mulkiga (iyo Maamulka uunka oo dhan), Isagaana wax walba Kara.
67:2 2. Ee ah Kan abuuray geeri iyo nololba, si uu idiin imtixaano kiinna idiinku camal wanaagsan. Waana Adkaadaha sare, Denbi Dhaafka Badan.
67:3 3. Kan abuuray toddobo samooyin dabaqyo ah kala korreeya, ku arki meysid wax isdhaafsanaan ah abuurka Raxmaanka. Ee ku celi araggee: Miyaad ku aragtaa wax dillaac ah iyo duleello.
67:4 4. Misna ku celi aragga mar labaad, araggaagu adiga buu kugu soo noqon isagoo dulleysan oo daallan.
67:5 5. Waxaan dhab ahaan ku qurxinnay samada dhow nalal (xiddigo), Waxaana ka yeellay (xiddigahaa) gantaallo lagu gano shayaadiinta [1], waxaanuna u diyaarinnay cadaab Naar hureysa ah.
67:6 6. Kuwa ku gaalooba Rabbigood waxay leeyihiin cadaab jahannamo, oo u xun aayotiin iyo meel la ahaado.
67:7 7. Marka (gaalada) lagu tuuro Naarta, waxay ka maqli cartan daran iyadoo karaysa.
67:8 8. Waxay ku sigan inay la kala dillaacdo cadho. Mar kastoo guuto lagu tuuro, wuxuu waardiyaheeda weydiin: Miyuusan idiin imaan dige (Rasuul Alle)?
67:9 9. Waxay odhan: Haayoo waa noo yimid dige, waanse beeninnay oo nidhi: Alle ma soo dejin wax (Waxyi ah), waxaad uun idinku ku sugan tihiin habow weyn.
67:10 10. Waxay odhan: Haddaan wax maqli laheyn ama garowsan laheyn, kama aanu mid ahaaneyn ehlu Naarka.
67:11 11. Marka waxay qiran denbigooda, ee ha fogaadeen [2] qolada Naarta Hureysa.
67:12 12. Hubaal, kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba) waxay leeyihiin Denbi Dhaaf iyo Ajar Weyn (Janno).