Cabdullaahi Xasan Yacquub — 556
64:1 1. Waxaa Xurma weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle baana leh Boqortooyada (runta ah), oo leh Ammaan idilkeed iyo Mahad, oo wax walba Kara.
64:2 2. Alle waa Kan idin abuuray, markaas qaarkiin noqdeen gaalo, qaarkiinna m’uminiin. Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.
64:3 3. Wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq, wuuna idin suureeyey oo wanaajiyey suuradahiinna, waana Xaggiisa Noqodka Dambe (Aakhirada).
64:4 4. Wuxuu Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Wuxuuna Og yahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba. Alle waa ogaha waxa ku jira laabaha (dadka).
64:5 5. Miyuusan idin soo gaadhin warka kuwii gaaloobay awal hore, waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan?
64:6 6. (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, waxayse yidhaahdeen: Ma qof aadmi ah baa na hanuuninaya? markaasay gaaloobeen oo ka jeesadeen (Xaqa). Alle uma baahna (cidna). Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan.
64:7 7. Kuwa gaalooba waxay moodaan inaan marnaba laga soo bixinaynin (iilka). Dheh: Haayoo! waa igu Rabbigaye, waa la idin soo bixin, markaas waxaa la idiin sheegi (oo la idinka jaazeyn) waxaad fasheen, (arrin)kaasina Alle wuu u fudud yahay.
64:8 8. Ee rumeeya Alle iyo Rasuulkiisa iyo Nuurka (Qur’aanka) aan soo dejinnay. Alle waa ka war hayaa waxaad fashaan.
64:9 9. Maalinta (Qiyaamada) uu idiin soo kulmin idinkoo dhan Maalinta Kulanka [1], taasu waa maalin kedo uu qof khayr heli (mu’minka) ama uu ku dhici khasaaro weyn (gaalka). Qofkii rumeeya Alle oo sama fala, Wuxuu (Alle) ka tiri denbiyadiisa oo gelin Jannooyin ay hoostoodu webiyo qulqulaan ay ku dhex waarayaan weligood, taasi waa Liibaanta Weyn.