>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 554

62:9 9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka la isugu yeedho salaadda maalinta Jimcaha, u degedga Xusidda Alle, kana taga ganacsiga, sidaas baa idiin khayr badan, haddaad ogtihiin.

62:10 10. Markase salaadda la dhammeeyo, ku kala faafa arlada, dalba Deeqda Alle [5], xusana Alle in badan aad liibaantaane.

62:11 11. Mar ay arkeen ganacsi ama madaddaallo way u kala yaaceen xaggeeda, kaana tageen (Nabiyow) adigoo taagan (oo khudbo jeedin). Dheh: Waxa Alle uu heysto baa ka khayr badan madaddaallo oo (ka khayr badan) ganacsi kasta. Alle waa Kan u wanaagsan inta wax irsaaqda.

63:1 1. Markay munaafiqiintu kuu yimaadaan (Nabi Muxammadow) waxay yidhaahdaan: Waxaanu marag ka nahay inaad tahay Rasuul Alle [1]. Alle waa Og yahay inaad tahay Rasuulkiisa, Allena wuxuu marag ka yahay inay munaafiqiintu yihiin beenaalayaal.

63:2 2.Waxay ka dhigtaan dhaarahooda gaashaan. Oo sidaas uga weeciyaan (dadka) jidka Alle. Xumaa waxay falaan.

63:3 3. (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan inta rumeeyaan (af ahaan) bay haddana (hoosta) ka gaaloobaan, markaasaa quluubtooda la daboolay, sidaas awgeed wax ma fahmaan.

63:4 4. Markaad aragto (munaafiqiinta) wuu ku cajab gelin muuqaalka jirarkooda; hadday hadlaanna, waad dhageysan hadalkooda, waxaad mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey [2] oo dhar la huwshay. Waxay moodi dhawaaq walba in iyaga loogu dan leeyahay. Waa iyaga cadowga, ee ka digtoonow. Allaha baabbi’iyee! Xaggee looga iilay (Xaqa)?