>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 522

51:31 31.(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiin- nu yahay kuwayahow la soo diray?

51:32 32.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa naloo soo diray qolo denbiilayaal ah [3].

51:33 33. Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo kulul ah.

51:34 34. Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha [4].

51:35 35. Markaasaan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah.

51:36 36. Kamase aanu helin gudaheeda (magaaladaa) wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah [5].

51:37 37. Waxaan uga tagnay halkaa (magaalooyinkii Sodom iyo Gammurah ee dadkii Luud) Calaamo [6] kuwa 'mu'miniinta' ka cabsada cadaabka xanuunka badan.

51:38 38. Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad.

51:39 39. Wuuse jeestay (Fircoon) isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi: 'Kani Muuse' waa saaxir ama jinnoole.

51:40 40. Markaasaan qabannay isaga (Fircoon) iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan.

51:41 41. Reer Caadna (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato) markaan ku dirnay dabeyl ma dhaleys ah [7].

51:42 42. Wax kama tegin ay ku timid inay ka dhigtay maahee digada oo kale.

51:43 43. Reer Thamuudna (calaamo baa ku sugan lagu waano qaato), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah.

51:44 44. Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey.

51:45 45. Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin.

51:46 46. Qolodii Nuuxna iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato), waxay ahaayeen qolo fallaago ah.

51:47 47. Samada waxaan ku dhisnay awood Oo waa Annaga (Alle ah) kuwa waasiciya.

51:48 48. Oo dhulka Waanu gogolnay, Ee fiicanaa diyaariyuhu.

51:49 49. Wax walbana Waxaan ka abuurnay labo nooc, si aad ugu waano qaadataan.

51:50 50. Ee u carara xagga Alle [8], waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.

51:51 51. Ha u yeelina la jirka Alle Ilaah kale. Waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.