>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 52

3:16 16. Kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Waanu rumeynay (Xaqa), ee noo dhaaf dunuubtayada, nagana dhowr cadaabka Naarta.

3:17 17. Ee ah kuwa samra, runlowyada ah, adeeca Alle, oo wax sadaqaysta, oo (Alle) weydiista denbi dhaaf waqtiyada suxuurta.

3:18 18. Alle wuxuu marag ka yahay inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, malaa’igtuna (sidoo kale bay ka marag kacaan) iyo kuwa cilmiga leh; Wuxuu (Alle) ku maamulaa uunkiisa si caddaalad ah. Ma jiro Ilaah xaq ah aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah.

3:19 19. Hubaal diinta Xaqa ahi Alle agtiisa waa Islaamka. Ismana khilaafin kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) markuu u yimid cilmiga mooyee, xasad dhexdooda ah darti. Qofkii ku gaalooba Aayadaha Alle, hubaal Alle waa degdeg xisaabtiisu dhaqso ah.

3:20 20. Hadday kula doodaan dheh: Waxaan anigu isugu dhiibay si dhan oo u hoggaansanahay Alle, waana sidaas qofkii I raaca. Ku dheh kuwa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo kuwa ah mushrikiinta:Miyaad hoggaansameysaan? [4]. Hadday hoggaansamaan, markaa waa hanuunsan yihiin; haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka), waxaa uun ku saaran Gaarsiin cad (ee Xaqa) lagula soo diray. Alle wuu arkaa addoomahiisa.

3:21 21. Hubaal kuwa ku gaalooba Aayadaha Alle, oo u dila Nabiyada xaq darro, oo dila kuwa amra caddaaladda ee dadka ka mid ah [5]. Ugu bishaaree cadaab xanuun badan.

3:22 22. Kuwaas waa kuwa ay burtay acmaashooda adduun iyo Aakhiraba, mana laha wax u soo gargaari (Aakhirada).