Cabdullaahi Xasan Yacquub — 511
48:1 1. Waxaanu ku siinnay (Nabi Muxammadow) guul cad [1].
48:2 2. Si uu Alle kuugu dhaafo wixii horay kaaga dhacay oo denbi ah, iyo waxa dib kaaga dhici karaba, kuuguna dhammaysti- ro Nicmaddiisa, oo kuugu hanuuniyo Tub Toosan.
48:3 3. Oo kuu gargaaro Alle gargaar weyn.
48:4 4. Alle waa Kan ku soo dejiyey xasillooni quluubta mu’miniinta, si ay iimaan ugu ziyaadsadaan iimaankoodii; Alle baana iska leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
48:5 5. Si uu u geliyo mu’miniinta iyo mu’minoo- yinka jannooyin (beero) ay webiyo hoos qul-qulaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, oo uga tirtiro xume falkooda, (arrin)kaasina Alle agtiis waa Liibaan Weyn
48:6 6. Iyo si uu u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka ee ku maleeya malaha xun Alle, xumaanta korkooda ha ku wareegto, Alle ha u cadhoodo, hana naclado, wuxuuna u diyaariyey Naar - oo u xun meel la ahaado.
48:7 7. Allaah baana leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
48:8 8. Xaqiiq Annagaa (Alle ah) kuu soo dirnay (Nabi Muxammadow) inaad ahaato markhaati, bishaareeye, iyo digeba.
48:9 9. Si aad (dadow) u rumeysaan Alle iyo Rasuulkiisa oo ugu gargaartaan oo aad u qaddarisaan, iyo inaad xurmo weyneysaan oo ugu tasbiixsataan subax iyo galabba.