Cabdullaahi Xasan Yacquub — 449
37:77 77. Oo ka yeellay durriyaddiisa kuwa soo hadhay uun.
37:78 78. Waxaana u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood.
37:79 79. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Nuux.
37:80 80. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
37:81 81. Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.
37:82 82. Markaasaan harqinnay intii kale.
37:83 83. Waxaana ka mid ah kuwa raacay jidkiisa Ibraahiim [7].
37:84 84. Markuu ula yimid Rabbigi qalbi fayow [8].
37:85 85. Markuu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Waa maxay waxaad caabudaysaan?
37:86 86. been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku.
37:87 87. Maxaadse ka maleysaneysaan Rabbiga uumanka?
37:88 88. Markaasuu eegay eegmo xiddigaha,
37:89 89. Wuxuuna yidhi: Anigu waa bukaa.
37:90 90. Markaasay ka jeesteen oo tageen.
37:91 91. Markaasuu aaday ilaahyadoodii, oo yidhi: Miyeydaan (wax) cuneyn [9].
37:92 92. Maxaad leedihiin oo aydaan la hadleyn?
37:93 93. Markaasuu ku jeestay oo ku garaacay gacanta midig.
37:94 94. Markaasay soo aadeen (dadkii) xaggiisa iyagoo soo degdegaya.
37:95 95. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (idinku sameysaan)?
37:96 96. Allaah baana idin abuuray idinka iyo waxaad sameysaanba?
37:97 97. Waxay yidhaahdeen: U dhisa meel (dab lagu shido) kuna tuura dabkaa ololaya.
37:98 98. Waxay la dooneen dabin ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hooseeya.
37:99 99. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin.
37:100 100. Rabbiyow! I sii (ubad) wanaagsan.
37:101 101. Waxaana ugu bishaaraynay wiil dul qaad badan (Ismaaciil).
37:102 102.Markuu gaaray da' inuu la shaqeeyo oo hanaqaaday [10], (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Maandhow! Waxaan ku arkay riyo anigoo kuu gawracaya (qurbaan ahaan Alle darti), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, hadduu Alle idmo, waxaad heli inaan ka mid noqdo kuwa samir yeesha.