Cabdullaahi Xasan Yacquub — 424
33:44 44. Bariidadoodu Maalintay (Alle) la Kulmi waa Salaam: Nabad ahaada; Wuxuuna u diyaariyey abaal gud sharaf badan (Janno).
33:45 45. Nabiyow! Hubaal waxaan Annagu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, bishaareeye iyo dige ahaan [33].
33:46 46. Iyo inaad ahaato baaqe ugu yeedha (dadka) xagga Alle si Idankiisa ah iyo nal ifi.
33:47 47. Ugu bishaaree mu'miniinta inay xagga Alle ku leeyihiin deeq Weyn (beeraha Jannada).
33:48 48. Ha adeecin gaalada iyo munaafiqiinta, oo dan ha u gelin hadalkooda dhibta leh, oo talo saaro Alle. Ku Filan Alle wakiil ahaan.
33:49 49. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad guursataan dumar mu’minaat ah, markaas aad furtaan ka hor inta aydaan taaban (la aqal gelin), markaa kuma lihidin korkooda wax ciddo ah ay tirsan, ee siiya xoogaa sahay ah oo dira diritaan quruxsan.
33:50 50. Nabiyow! Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal xaasaskaaga aad siisay maherradooda iyo kuwa ay gacantaadu midig hanato oo aad kala soo baxday kuwa uu Alle kuu siiyey qafaal ahaanta, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdhaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kula soo haajiray, iyo haweeney mu’minad ah hadday u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin (inta kale ee hadhay) ee mu’miniinta ah. Waxaan ognahay waxaan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo waxay gacmahoodu midig hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.