Cabdullaahi Xasan Yacquub — 409
30:42 42. Dheh: Mara dhulka oo fiiriya siday aheyd cidhibta kuwii hore (ee beeniyey Xaqa). Waxay ahaayeen badankoodu gaalo mushrikiin ah.
30:43 43. Ee u jeedi wejigaaga xagga diinta toosan (Islaamka) ka hor inta aysan ka imaan Alle Maalin aanu jirin qof celin kara. Maalintaasi dadku way kala bixi [11].
30:44 44. Qofkii gaalooba (isaga bay dhibeysaa) gaalnimadiisu, qofkiise wanaag fala, Kuwaasu waxay u gogol dhigaan nafahooda meel san.
30:45 45. Si uu Alle ugu abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala deeqdiisa; hubaal Alle ma uu jecla gaalada.
30:46 46. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Alle ee muujinaya Weynidiisa iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) inuu soo diro dabeylaha iyagoo ku bishaareyn (roob) iyo inuu idin dhadhansiiyo wax ka mid ah Naxariistiisa iyo in doomuhu ku socdaan Amarkiisa oo aad dalabtaan Deeqdiisa, inaad Alle ku mahdisaan.
30:47 47. Waxaan dhab ahaan u soo dirnay hortaa Rusul xagga dadkoodii, markaasay ula yimaadeen Xujooyin cad cad, waana ka aarsannay kuwii denbi falay. Waa xaq na saaran u gargaarka mu’miniinta.
30:48 48. Alle waa Kan soo dira dabeylaha, markaas kicisa daruur, uu ugu fidiyo cirka siduu doono, kana dhiga goosimo, oo aad aragto roobka oo ka soo dhex baxaya, markuu u shubo cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, mise way ku farxaan.
30:49 49. Inkastoo ay ahaayeen ka hor intaan lagu soo di’in roobka wax yar horti, kuwo quus ka joogay.
30:50 50. Ee fiiri raadadka Raxmadda Alle; siduu u nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal, Kaasi wuu soo nooleyn meytida. Alle wax walba wuu Karaa.