>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 396

28:85 85. Hubaal (Alle ee) kugu faral yeelay Qur’aanka wuxuu dib kuugu soo celin Xagga halkii ballantu ahayd [27]. Dheh: Rabbigay baa cid kasta ka ogsoon kan la yimid hanuun iyo kan ku sugan habow cad.

28:86 86. Ma aad aheyn (Nabiyow) mid rajeyn in lagugu soo dejiyo Kitaabka (Qur’aanka), hase yeeshee waa Naxariis xagga Rabbigaa ah. Ee ha noqonin mid garab siiya gaalada [28].

28:87 87. Oo yeysan kaa jeedin Aayadaha Alle kaddib marka lagagu soo dejiyey, uguna yeedh 'dadka' xagga Rabbigaa, oo ha ka mid noqonnin Mushrikiinta.

28:88 88. Ha baryin (caabudin) la jirka Alle ilaah kale. Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wax waliba way halaagsami Wejgiisa maahee [29]. Isagaa leh xukunka, Xaggiisaana la idiin soo celin.

29:1 1. Alif Laam-Miim [1].

29:2 2. Ma waxay dadku moodaan in loogaga tegayo inay yidhaahdaan: “Waan rumeynay (Xaqa) iyagoo aan la imtixaameyn?

29:3 3. Waxaanu imtixaannay kuwii ka horreeyey iyaga. Alle wuu muujin kuwa uu run ka yahay (Iimaanka), wuuna muujin beenlowyada.

29:4 4. Mise ma waxay moodaan kuwa fala xumaatooyinka [2] inay naga fakan karaan? Xumaa waxay xukumi.

29:5 5. Qofkii rajeyn la kulanka Alle, hubaal ajasha uu Alle (qoray) way imaan (ee ha isu diyaariyo). Alle waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.

29:6 6. Qofkii dadaala, wuxuu u dadaalayaa naftiisa. Hubaal, Alle waa ka deeqtoon yahay uumanka.