>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 367

26:1 1. Taa Siin Miim [1].

26:2 2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee Cad.

26:3 3. Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed.

26:4 4. Haddaan doonno, Waxaan kaga soo dejin calaamo cirka, ay luqumahoodu u hogtaan [2].

26:5 5. Uga ma yimaado waano (Qur'aan) xagga Raxmaanka 'Alle' iyagoo cusub oo is daba jooga, waase ka jeesadaan.

26:6 6. Waxay dhab ahaan beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed waxaa u imaan wararka waxay ku jees-jeesayeen.

26:7 7. Miyeyna arkayn dhulka intee baan nooc kasta oo dhir wanaagsan ah sababnay inuu ka soo baxo?

26:8 8. Hubaal, waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.

26:9 9. Hubaalna Rabbigaa waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

26:10 10. (Xus) markuu Rabbigaa u yeedhay Muuse (Isagoo leh): U tag qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.

26:11 11. Qolada Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Alle)?

26:12 12. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan ka cabsan inay i beeniyaan,

26:13 13. Oo ay cidhiidhyoonto laabteydu, oo caddeyn kari waayo (hadalka) carrabkaygu. Ee dir la jirkay Haaruun (inuu i caawiyo).

26:14 14. Waxayna igu heystaan denbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsan inay i dilaan.

26:15 15. (Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal, Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna.

26:16 16. U taga Fircoon oo ku dhaha: "Innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uumanka".

26:17 17.Ee nagu dar hana raacaane reer Israa’iil.

26:18 18. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? Oo aad nala joogin sannado badan ka mid ah cimrigaaga?

26:19 19. Oo aad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin) waxaadna tahay abaal laawe.