>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 342

23:1 1.Waxaa dhab ahaan liibaanay mu’miniinta.

23:2 2. Kuwa iyagu salaaddooda ku khushuuca.

23:3 3. Ee ah kuwa ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun.

23:4 4. Ee ah kuwa fala zakada (bixiya).

23:5 5. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah.

23:6 6. Xaasaskooda ama kuwa ay gacmahoo- du midig hantaan mooyee [1], xaqiiq laguma eedo taasi;

23:7 7. Qofkii se doona wax intaas dhaafsiisan, waa kuwaa xad gudbayaasha.

23:8 8. Ee ah kuwa ammaanooyinkooda iyo ballankooda dhowra.

23:9 9. Ee ah kuwa xafida salaadahooda.

23:10 10. Waa kuwaa dhaxlayaasha.

23:11 11. Kuwa dhaxli Al-Firdaws [2] way ku dhex waadhi weligood.

23:12 12. Waxaan dhab ahaan ka abuurnay Aadmiga wax laga soo soocay dhoobo.

23:13 13. Dabeeto ka yeellay (ka abuurnaa ilmaha Aadam) dhibic mani ah ku sugnaata gunta meel aamin ah (riximka).

23:14 14. Markaasaan ka abuurnaa dhibicdaa xinjir, kana abuurnaa xinjirta cad yar oo hilib ah, kana abuurnaa cadkaa hilibka lafo, waxaana huwinnaa lafahaa hilib, markaasaan ka unugnaa abuur kale. Ee waxaa barako iyo khayr Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha [3].

23:15 15. Markaas kaddib, waad dhimaneysaan.

23:16 16. Markaas Maalinta Qiyaamaha baa la idin soo bixin.

23:17 17. Waxaana xaqiiq abuurnay korkiinna toddoba samo oo kala korreeya, mana nahin kuwo moog uunka.