>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 340

22:65 65. Miyaanad arag inuu Alle idiin sakhiray waxa ku sugan dhulka, iyo doonyaha ku socda badda Amarkiisa? Wuxuuna ka hayaa cirka inuu ku soo dhaco dhulka Isagoo idmo ma ahee. Alle waa Mid dadka u Turid iyo Naxariis Badan.

22:66 66. Waa Isaga 'Alle' Kan idin nooleeya, haddana idin dhinsiiya, haddana idin soo nooleyn mar kale (Qiyaamaha). Aadmigu xaqiiq waa mid abaal dhac badan.

22:67 67. Ummad walba waxaan u yeellay hab cibaado oo ay ku cibaadeystaan ee yeyna kugula doodin arrinka, oo ugu yeedh xagga Rabbigaa. Hubaal, Adigu waxaad ku sugan tahay hanuun toosan.

22:68 68. Hadday kula doodaan, dheh: Alle baa dhab u ogsoon waxaad fashaan.

22:69 69. Alle baa idiin kala garsoori dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha waxaad isku khilaafsaneydeen.

22:70 70. Miyaadan ogayn inuu Alle og yahay waxa ku sugan samada iyo arlada? Hubaal, arrinkani wuxuu ku yaal Kitaab [19]. Hubaal, arrinkani wuu u fudud yahay Alle.

22:71 71. Waxay caabudaan Alle sokadi wax uusan u soo dejin wax xujo ah, iyo waxaa aysan u lahayn wax cilmi ah. Daalimiinta (gaalada, mushrikiinta, iwm) ma heli doonaan wax u soo gargaara.

22:72 72. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxaad ka garan wejiyada kuwa gaalooba nac! Waxay ku sigtaan inay ku soo boodaan kuwa u akhriya Aayadahayaga. Dheh: “Ma idiin sheegaa wax waxakani ka xun [20]? waa Naarta, Alle wuxuu u yaboohay kuwa gaalada ah, iyadaana u xun meel la ahaado.