Cabdullaahi Xasan Yacquub — 32
2:203 203. Xusa Alle inta lagu jiro maalmaha tirsan [58]; qofkii degdega si uu u tago labo maalmood gudahood [59], ma jiro wax denbi ah oo saaran, qofkiina dib u hara [60] ma jiro wax denbi ah oo saaran, (kani) waxaa iska leh kan iska jira (xumaha), oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.
2:204 204. Waxaa ka mid ah dadka mid uu ku cajab gelin hadalkiisu noloshan adduunka, oo u marag gashada Alle waxa ku jira qalbigiisa, isagoo waliba ah kan u muranka badan colka [61].
2:205 205. Markuu jeesadana wuxuu ku socdaa arlada si uu u fasaahadiyo oo u baabbi’iyo tallaalka iyo taranka. Alle ma jecla fasahaadka.
2:206 206. Marka lagu yidhaahdo, Alle ka cabso (oo iska jir Ciqaabkiisa); qabweyni u geyso denbi. Ee Naar baa ku filan, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo.
2:207 207. Waxaa ka mid ah dadka mid iibsha naftiisa isagoo doonaya Raalli gelinta Alle [62]. Alle wuu u Turid Badan yahay addoomahiisa.
2:208 208. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! U soo gala Islaamka si dhan waaxid iyo wadarba, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad.
2:209 209. Haddaad sidbataan kaddib iyadoo ay xujooyin cad idiin yimaadeen, ogaada inuu Alle yahay Adkaade, Xakiim ah.
2:210 210. Ma waxay sugi (kuwaa aan u hoggaansaneyn Alle) waxaan ahayn inuu Alle ugu yimaado hogollo daruuro cad ah (si uu u kala xukmiyo uunkiisa) malaa’igtuna (si ay u fuliyaan Amarradiisa)? Arrinkana (horey) baa loo gooyey. Xagga Alle baana loo celiyaa umuurahoo idil.