Cabdullaahi Xasan Yacquub — 3
2:6 6. Kuwa gaalooba (ee xaq diidka ah) waa isugu mid haddaad u digto iyo haddaadan u digin, ma rumeynayaan.
2:7 7. Wuxuu Alle ku dhigay shaabbad daboosha quluubtooda iyo maqalkooda, araggoodana waxaa ku rogan Caad [5]. Waxayna leeyihiin cadaab weyn.
2:8 8. Waxaa ka mid ah dadka kuwo (munaafiqiin ah) yidhaahda: Waxaanu rumeysannahay Alle iyo Maalinta Aakhiro oo aan ahaynba mu’miniin [6].
2:9 9. Waxay (dooni inay) dagaan Alle iyo kuwa rumeysan, mase dagayaan waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana.
2:10 10. Quluubtooda waxaa ah cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm), markaasuu Alle u kordhiyey cudur. Waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan waxay been sheegi jireen darteed.
2:11 11. Marka lagu yidhaahdo: Ha fasaadanina (hallaynina) arlada, Waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay uun wax hagaajiyaal.
2:12 12. Ogaada, hubaal, Waa iyaga kuwa wax bi’iska ahi ee wax halleeya, mase ay dareensana.
2:13 13. Marka lagu yidhaahdo: Rumeeya sida ay dadku wax u rumeeyeen, waxay yidhaahdaan: Ma waxaanu u rumeyn siday maangaabku u rumeeyeen? Ogaada, hubaal, waa iyaga kuwa maangaabka ahi, mase oga.
2:14 14. Markay la kulmaan kuwa (Xaqa) rumeysan, waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Waanu rumaysannahay innaguba. Markase ay isla keli noqdaan shaydaamadooda (madaxdooda xun), waxay yidhaahdaan: Innagu idinkaynu idinla jidhnaa; waa uun iska jeesjeeseennay.
2:15 15. Alle baa ku jees-jeesi, wuxuuna kaga tagi xadgudubkooda banbaxsan ee ay ku jaha wareersan yihiin indha la’aan.
2:16 16. Kuwaasi waa kuwa iibsada habowga halkii hanuunka, sidaas awgeed ganacsigoodu ma keeno wax faa’ido ah, Mana aha kuwo hanuunsan.