Cabdullaahi Xasan Yacquub — 296
18:21 21. Sidaasaan uga yeellay [7] 'dadka' inay ka war helaan arrinkooda, si ay u ogaadaan in Ballanka Alle xaq yahay iyo in Saacadda (Qiyaame) aan shaki ku jirin [8]. Markay dhexdooda kaga murmeen xaalkooda, waxay yidhaahdeen: Ka dul dhisa dhismo [9]; Rabbigood baa aad u ogsoon iyaga. Kuwii ku lib helay arrinkooda waxay yidhaahdeen: Waxaan ka dhiseynaa masjid halkoodii.
18:22 22. (Qaar) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) seddex waxaana afareeyey eygoodii, (qaar kalena) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) shan waxaana lixeeyey eygoodii; iyagoo iska mala awaalaya wax ka qarsoonaa; (weliba qaar kale) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) toddoba oo waxaa siddeed ku ahaa eygoodii. Dheh: Rabbigay baa aad u ogsoon tiradooda, cidina ma oga iyaga in yar maahe [10]. Ee ha kala doodin (arrinkooda) inaad kula doodeysid xujo cad maahee. Waxnana ha ka weydiin arrinkooda midkoodna.
18:23 23. Ha odhan waxaasaan fali berritoole.
18:24 24. (adigoo aan raacin) inshaa Allaah 'Hadduu Alle idmo' [11]. Xusuusona Rabbigaa markaad hilmaanto oo dheh: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo mid uga dhow arrinkani toosnaanta.
18:25 25. Waxay joogeen hoggoodii gudahiis saddex boqol oo sano, oo ay sagaal u dheer yihiin (sannad bileedka).
18:26 26. Dheh: Alle baa aad u ogsoon intay negaadeen, isagaa u (cilmi leh) waxaalaha aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, arki ogaa oo maqli ogaa (wax walba). Ma ay laha gargaare aan Isaga aheyn, lamana wadaajiyo Xukunkiisa axadna.
18:27 27. Akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo Kitaabka Rabbigaa ah, ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa, mana heleysid wax ka sokeeya Isaga aad magan gashid.