Cabdullaahi Xasan Yacquub — 293
17:105 105. Xaq baana (Qur’aanka) ku soo dejinnay, Xaq buuna ku soo degay [36]. Kuumana aanu soo dirin (Nabiyow) waxaan aheyn inaad ahaato bishaareeye iyo dige ahaan.
17:106 106. Waana Qur’aan aan u soo dejinnay qayb qayb [37], si aad ugu akhrido dadka aayar. Waxaana u soo dejinnay heerar kala duwan soo dejin dhan.
17:107 107. Dheh: Rumeeya (Qur’aanka) ama ha rumaynina. kuwa la siiyey cilmiga isaga horti [38], marka loo akhriyo, waxay ula dhacaan 'dhulka' gadhadhkooda 'iyo wejiyadooda' sujuud.
17:108 108. Waxayna yidhaahdaan: Waxaa xurmo oo dhan iska leh Rabbigeen oo ka Hufan (ceeb iyo nuqsaan)! Ballan qaadka Rabbigayo waa mid fula.
17:109 109. Waxay 'dhulka' ula dhacaan gadhadhkooda 'iyo wejiyadooda' iyagoo ooyaya, wuxuuna u kordhiyaa (Qur’aanku) khushuuc.
17:110 110. Dheh: Ku barya Allaah ama ku barya Ar-Raxmaan, midkaad ku baridaanba (waa isku mid), Isagaa iska leh Magacyada aad u wanaagsan ee Quruxda badan. Ha la tannaagoonin (akhriskaaga) salaadda gudaheeda, hana qarasn si hoose, ee doon labadaa dhexdooda jid (dhexdhexaad) ah.
17:111 111. Dheh: Ammaan (oo idil) iyo mahad waxaa mudan Allaah, aan yeelan ilmo, oo aan lahayn wax shariig ah oo la wadaaga mulkiga (iyo maamulka uunka), oo aan (u baahneyn inuu yeesho) gargaare tabar yari darteed, ee weynee weyneyn dhan.
18:1 1. Ammaan oo idil iyo mahad waxaa leh Allaah ee ku soo dejiyey addoonkiisa Kitaabka (Qur’aanka) oo aan u yeelin wax qallooc ah [1].
18:2 2. Kitaab toosan, si uu uga digo cadaab daran oo Xagga (Alle) ah, uguna bishaareeyo mu'miniinta samaha fala inay leeyihiin Abaalgud Wanaagsan (Janno).
18:3 3. Ay ku negaadi weligood.
18:4 4. Oo uu digo kuwa yidhaahda: Alle Wuxuu leeyahay ilmo.