Cabdullaahi Xasan Yacquub — 29
2:187 187. Waxaa la idiin banneeyay habeenka soonka inaad u galmootaan xaasaskiinna. Waxay idin yihiin hu’, idinkuna hu’ baad u tihiin. Alle wuu ogaa inaad khiyaamayseen nafahiinna [45], wuuna idinka tawbad aqbalay oo idinka cafiyey (oo qaaday culeyskan). Ee haatan u taga (galmooda) iyaga oo doona waxa Alle idiin qaddaray (oo ilmo ah), oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii, markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka. Hana u tegina (galmoonina xaasaskiinna) idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwani waa xudduudaha (uu dhigay) Alle ee ha u dhowaanina. Sidaas buu Alle ugu cadddeeyaa Aayadihiisa dadka si ay isaga jiraan (shirkiga iyo xumaha kale).
2:188 188. Ha ku cunina maalkiinna dhexdiinna si xaq darro ah, idinkoo siin (laaluush) madaxda, si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah maalka dadka denbi idinkoo ogsoon.
2:189 189. Waxay wax kaa weydiin Bilaha dhasha. Dheh: Waa waqtiyo loo cayimay dadka iyo Xajka. Ma ahana samahu inaad guryaha ka soo gashaan duleedkooda [46], waxaase sama ah in qofku iska jiro (xumaha), ugana imaada guryaha albaabbadooda, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle si aad u liibaantaan.
2:190 190. Kula dagaallamana Jidka Alle kuwa idinla dagaallama, hana xadgudbina. Hubaal Alle ma jecla xad gudbayaasha.