>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 271

16:35 35. Kuwa Alle u shariig yeela waxay yidhaahdaan: Hadduu Alle doono ma aanu caabudneen waxba Sokadi innaga iyo aabbayaashayo midna, mana xaaraamayneen waxbana (Amarkiisa) la’aanti. Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey: Ee ma waxaa saaran Rususha waxaan aheyn gaarsiin cad?

16:36 36. Waxaan ka soo bixinnay ummad walba Rasuul (leh): Caabuda Alle Keliya, kana dheeraada Dhaaquut (sheydaanka iyo cibaadada wax Alle ka soo hadhay). Waxaa ka mid ah kuwo Alle uu hanuuniyey, waxaana ka mid ah kuwo habowga ku waajibay. Ee mara dhulka oo fiiriya siday aheyd cidhibta beeniyayaasha (Xaqa).

16:37 37. Haddaad ku dadaashid hanuunkooda, Alle ma hanuuniyo cid uu lumiyo [8], mana helaan wax u soo gargaara (Aakhirada).

16:38 38. Waxay ku dhartaan Alle dhaarahooda kuwa ugu adag inuusan Alle soo bixineyn cid dhimatay. Haayoo waa ballan saaran oo Xaq ah, dadkuse badankiisu ma oga.

16:39 39. (Waa) si uu ugu caddeeyo (abbaarta) waxay isku khilaafsan yihiin, iyo inay ogaadaan kuwa gaalooba inay ahaayeen beenaalayaal.

16:40 40. Sideedaba Qowlkayagu markaan wax doonno waa oo Keliya inaan ku nidhaahno: "Ahaw” waana uu yahay.

16:41 41. Kuwa u soo haajira Alle Darti, kaddib markii la dulmiyey, Waxaan ku siin meeqaan wanaagsan adduunka, ajarka Aakhiraana ka weyn, hadday ogaan lahaayeen.

16:42 42. Kuwa samra oo Rabbigood tala saarta.