Cabdullaahi Xasan Yacquub — 264
15:32 32. (Alle) wuxuu yidhi: Ibliisoow! Maxaa kuugu wacan inaadan ahaan la jirka kuwaa sujuuday.
15:33 33. Wuxuu yidhi: Anigu ma ahi mid u sujuudaya qof aad ka abuurtay dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah.
15:34 34. (Alle) wuxuu yidhi: Haddaba Ka bax (Jannada), adigu waa lagu deyrshaye.
15:35 35. Waxaana xaqiiq dushaada ah Nacalad ilaa Maalinta is Abaal marinta 'Qiyaamada'.
15:36 36. Wuxuu yidhi: Rabbiyow! I sii waqti ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamada).
15:37 37.(Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la siiyey fursadda (ee la sugi).
15:38 38. Ilaa Maalinta (Qiyaamada) ee waqtiga la yaqaan leh (Alle keliya uu Og yahay).
15:39 39. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidaad ii lumisayba, Waxaan u qurxin denbiyada dhulka korkiisa, waana dhumin iyagoo dhan.
15:40 40. Addoomahaaga ku jira ee daacadda ah mooyee kuu keli iyo gaar yeela cibaadada.
15:41 41. (Alle) wuxuu yidhi: Kani waa Jid Toosan oo Xaggeyga ah.
15:42 42. Addoomahayga kuma lihid awood dushooda, kuwa ku raaca ee iyagu lunsan mooyee.
15:43 43. Oo hubaal waa Jahannama dhabtii madashooda iyagoo dhan.
15:44 44. Waxay leedahay toddoba Albaabood, albaab walbaa waxaa ahaan qayb gaar ah oo ka mid ah (ehlu Naarka).
15:45 45. Hubaal, kuwa Alle ka dhowrsada (xumaha) waxay dhex ahaan Beero iyo ilo.
15:46 46. (Waxaa lagu odhan): Ku gala (Jannada) nabad idinkoo aamin ah.
15:47 47. Waxaanu ka soo siibi wixii xumaan kala tirsi ah oo ku jira laabahooda, (waxay ahaan) walaalo ku sugan sariiro boqoreed dushood is qaabilsan fool ka fool.
15:48 48. Kuma taabanayo gudaheeda daal, xaggeedana lagama soo saarayo.
15:49 49. Ogeysii addoomahayga inaan Anigu (Alle) ahay Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
15:50 50. Iyo in Cadaabkaygu uu yahay cadaabka xanuunka badan.
15:51 51. Uga warran martidii Ibraahiim.