>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 261

14:43 43. Iyagoo horay u degdegaya (si ay u ajiibaan baaqaha), madaxyadoodu kor u taagan yihiin [14], uusan soo noqoneyn arragooda (taagmi indhahu), quluubtoodu- na maran tahay (cabsi darteed).

14:44 44. Uga dig dadka Maalintuu u iman cadaabka, markaas kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) falay waxay odhan: Rabbigayow! Dib noo dhig muddo dhow, waxaynu ajiibi baaqaaga oo raaci Rususha. Miyeydaan ka hor ku dhaaran inaydaan (adduunka ka) tegeyn [15].

14:45 45. Waxaadna degteen guryihii kuwii dulmiyey nafahooda, waana idiin caddaatay sidaan u galnay. Waxaana idiin soo bandhignay tusaalooyin.

14:46 46. Waxay tabeeyeen tab xun, tabtooda xun se waxaa (ka war) hayay Alle, inkastoo tabtooda xun ahayd mid (daran) ay la baabba’aan buuruhu [16].

14:47 47. Ee marnaba ha moodin inuu Alle uga baxayo Ballankiisa Rusushiisa. hubaal Alle waa Adkaade Sare, Aar gudasho leh.

14:48 48. Maalinta marka arlada loo beddeli arlo kale iyo samooyinkaba, waxaana la hor keeni (uumanka oo idil) Alle horti, Waaxidka, Sandulleeyaha (isla weynayaasha).

14:49 49. Waxaad arki denbiilayaasha oo Maalintaas iskula xir-xiran silsilado bir ah .

14:50 50. Qamiisyadoodu ka sameysan yihiin daamur (Naar ah), waxaana dabooli wajiyadooda dab.

14:51 51. Si uu Alle uga abaal mariyo naf walbaa waxay kasbatay (khayr ama shar). Hubaal Alle waa ku Dhaqso Badan yahay Xisaabta.

14:52 52. Kani (Qur’aanku) ugu filan gaarsiin cad dadka, iyo in loogu digo, iyo inay ogaadaan in Macbuudka Xaqa ahi Ilaah Keliya uun yahay ee Mid ah (Allaah), iyo inay ku waano qaataan (arrinkaa) waxgaradku.