Cabdullaahi Xasan Yacquub — 255
13:43 43. Waxay kuwa gaalooba odhan: Adigu (Muxammadow) ma tihid Rasuul la soo diray. Dheh: Alle baa ku filan marag uu ahaado dhexdeenna aniga iyo idinka, iyo ku kastoo u leh cilmi Kitaabka [22].
14:1 1. Alif Laam Raa [1]. (Kani waa) kitaab (Qur’aan) aan kuugu soo dejinnay (Waxyi ahaan) si aad uga saarto dadka mugdiyada xagga Nuurka idanka Rabbigood – xagga Jidka Adkaadaha Sare, ee la ammaano.
14:2 2. Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Hoog waxaa leh gaalada ka soo gaadhi Cadaab Daran xaggiis.
14:3 3. Kuwa jecel nolosha adduunkan halkii Aakhirada, oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle, lana dooni qallooc. Kuwaa waxay ku sugan yihiin habow fog.
14:4 4. Rasuul kuma soo dirno waxaan aheyn afka qolodiisa si uu (Xaqa) ugu caddeeyo [2]; markaasuu Alle qofkuu doono lumiyaa, oo hanuuniyaa qofkuu doono, Waana Isaga Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.[3]
14:5 5. Waxaanu la soo dirnay Muuse Aayadahayaga (Annagoo leh): Ka saar qolodaada Mugdiyada xagga Nuurka, xusuusina Ayaamaha Alle [4]. Hubaal waxaa (arrin)kani ugu sugan calaamooyin wax lagu qaato mid walba oo samir badan, mahad naq badan.