Cabdullaahi Xasan Yacquub — 234
11:109 109. Ee ha ka Shakin (xumaanta) waxay kuwaanu caabudaan, ma caabudaan waxaan aheyn waxay caabudeen aabbayaashood kal hore, oo hubaal waanu u oofin si dhan saamigooda (Cadaabka) oo aan waxba laga dhimeyn.
11:110 110. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waase la isku khilaafay, haddaysan jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa; waa la kala xukumin lahaa dhexdooda, waxaana iyaga kaga jira shaki daran walaac leh (Qur’aanka).
11:111 111. Oo dhammaan wuu u oofin Rabbigaa camalladooda si dhan. Hubaal waxay camal falaan Waa u Xog Ogaal.
11:112 112.Ee hay kuna sugnow dhabbaha toosan (ee Islaamka) sida lagu amrayba, (adiga) iyo kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Alle ee tawbad keenay), hana xadgudbina. Hubaal, Alle wuu arkaa Waxaad camal fashaan.
11:113 113.Ha ka raalli noqonnina oo ha u iliinana kuwa dulmiga (shirkiga iyo xumaha) fala, si ayan Naari idin taaban, oo ma lihidin Alle sokadi awliyo, laydiinna gargaari maayo.
11:114 114. Oog salaaddana labada dacal ee maalinta iyo saacado ka mid ah habeenka. Hubaal, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun [30], arrinkani waa u waano kuwa waana qaata [31].
11:115 115. Oo samir yeelo; hubaal, Alle ma dayaco ajarka sama falayaasha.
11:116 116. Maxaase looga dhex waayey qaaruumihii idinka horreeyay, dad leh garasho, oo ka reeba Fasahaadka dhulka dhexdiisa wax yar mooyee oo ka mid ahaa kuwii aan ka badbaaddinnay dhexdooda? Kuwiina dulmiga falay waxay daba galeen wixii loogu raaxeeyey, waxayna ahaayeen denbiilayaal.
11:117 117. Rabbigaa uma halaago magaaloo- yinka dulmi iyagoo ay dadkoodu wanaagga is faraan (xumahana iska reebaan).