Cabdullaahi Xasan Yacquub — 231
11:82 82. Markuu yimid Amarkayagii, Waxaan u rognay af gambi oo korkoodii hoos marin- nay, Waxaana roob kaga dhignay dhagxayo dhoobo shidan ah oo is daba jooga.
11:83 83. Laga soo calaamadiyey (ciqaab darteed) Rabbigaa agti, mana aha wax ka fog daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
11:84 84. Madyanna (Waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya, ma lihidin Ilaah kale ( oo xaq ah) aan aheyn Isaga, hana dhimina beegga iyo miisaanka, waxaan idinku arkaa khayre (maal); oo hubaal waxaan idiinka cabsan Cadaab Maalin wax koobeysa.
11:85 85. Tolkayow! Oofiya beegga iyo miisaanka si caddaalad ah, ha ka duudsinnina dadka waxyaalahooda, hana ku bi'inninana dhulka fasaadkaad faleysaan.
11:86 86. Waxa ku baaqiga ah Alle agtiisa ayaa idiin roon haddaad tihiin mu’miniin, oo anigu idiin ma ahi kormeere.
11:87 87. Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Ma waxay salaadahaadu ku amraan inaan ka tagno waxay caabudaan aabbayaashayo, ama inaanu ku falno maalkayaga waxaan doonno? Adigu uun waxaad tahay dul badanaha wax garadka ah [25].
11:88 88.Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka heysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun iyo cilmi) xagga Rabbigay, ina siiyey (Nabinnimo) iyo risiq (xalaal ah) wanaagsan oo Xaggiisa ah. Oo aanan doonayna inaan idiin daba maro falidda waxaan idinka reebo. Ma doonayo waxaan wax wanaajin ahayn intaan karo. Mana jiro waxaan Alle ahaynoo i waafajin kara talada toosan. Isagaan tala saartaa, Xaggiisaana ula noqdaa (tawbad).