Cabdullaahi Xasan Yacquub — 190
9:21 21. Rabbigood wuxuu ugu bishaareeyaa Naxariis Xaggiisa ah, iyo Raalli ahaansho iyo beero (Jannooyin) ay ku dhex leeyihiin barwaaqo ma guuraan ah.
9:22 22. Iyagoo ku dhex waaraya waligood. Hubaa Alle agtiis waxaa yaal abaalgud Weyn (Janno).
9:23 23. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina aabbayaashiin ama walaalihiin sokeeyayaal hadday jeclaadaan gaalnimo halkii Iimaanka. Qofkii sidaa yeela oo idinka mid ah, kuwaas weeye kuwa ah daalimiinta (gar diidka).
9:24 24. Dheh: Hadday aabbayaashiin, wiilashiinna, walaalihiin, xaasaskiinna, xigtadiinna; maal aad tabcateen, ganacsi aad uga baqeysaan iibsi la’aan, iyo guryo aad ka raalli tihiin ay idinkala weyn yihiin oo ka jeceshihiin Alle iyo Rasuulkiisa, iyo u jihaadka Jidkiisa, marka suga inta Alle ka fuliyo Amarkiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah [4].
9:25 25. Alle Wuxuu idiinku gargaaray goobo dagaal oo badan, Maalintii Xunaynna markay idin cajabisey tiro badnaantiinnu hase ahaatee waxna idiin tari weydey, ee dhulku intuu ballaar le'eg yahay idinku cidhiidhi noqday, markaas aad carar dhabarka jeediseen.
9:26 26. Markaas Alle ku soo dejiyey xasillooni Xaggiisa ah Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba, oo u soo diray ciidammo (malaa’ig ah) aydaan arkayn, oo ciqaabay kuwii gaaloobay.Taasina waa jazada gaalada.