>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 162

7:88 88. Xildhibaannadii, kuwii isla weynaa ee ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Waxaanu kaaga saari debedda Shucaybow iyo (sidoo kale) kuwa rumeysan la jirkaa magaaladayada ama waa inaad u soo noqotaan diinteenna 'dhaqankayaga'. Wuxuu yidhi: Ma xataa haddaanu dooneyn.

7:89 89. Waxaan ka been sheegnay Alle haddaan u soo noqonno diintiinna, kaddib markuu Alle naga badbaadiyey. Nagumana habboona inaan u noqonno, inuu Alle, Rabbigayo doono ma’ahee. Rabbigayo wuxuu ku koobaa wax walba Cilmi. Alle baanu tala saarannay; Rabbigayow! Noogu kala garsoor innaga iyo tolkayaga xaq, Adigaa u wanaagsan inta wax kala saarta.

7:90 90. Xildhibaannadii gaalowday oo ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Haddaad raacdaan Shucayb, waxaad idinku markaasi tihiin kuwo khasaaray.

7:91 91. Markaasuu dhul gariir qabtay, waxayna noqdeen (baqti) daadsan degaankoodii.

7:92 92. Kuwii beeniyey Shucayb, waxay noqdeen sidii inayan marnaba ku negaanin halkaas. Kuwii beeniyey Shucayb, waxay ahaayeen kuwa khasaaray.

7:93 93. Markaasuu ka jeestay oo yidhi: Tolkaygiiyow! Waxaan idin soo gaarsiiyey Farriimahii Rabbigay oo idin siiyey waano wanaagsan. Ee sidee baan ugu diir naxaa qolo xaq diid ah (gaalo).

7:94 94. Ma jirto magaalo aan u soo dirnay Nabi oo aanaan ku qaban dadkeeda (markay caasiyoobeen) qaxar iyo jirrooyin, bal inay soo dabcaan oo na baryaan.

7:95 95. Haddana waxaanu ugu beddelnay halkii dhibka, wanaag, ilaa ay bateen oo yidhaahdeen: Lurnaan iyo ladnaanba way soo mareen aabbayaashayo (sidoo kale). Markaasaan qabannay si kedis ah iyagoo aan dareemeyn.