>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 151

7:1 1. Alif Laam Miim Saad [1].

7:2 2. (Kani Qur’aanku) waa Kitaab lagugu soo dejiyey (Nabiyow), ee yeysan ahaan laabtaadu wax dhib (cidhiidhi) ah xaggiisa, inaad ugu digto (dadka), waana u waano mu’miniinta.

7:3 3. Raaca 'Qur’aanka' la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin, hana raacina sokadii awliyo (aad la barbar caabuddaan Alle oo u yeedhataan).Yaraa intaad waantowdaan.

7:4 4. Badanaa intaan magaalo hallignay (denbiyadoodii darteed) oo Cuquubadaya- da ay u timid habeennimo ama iyagoo hurda goor barqo ah.

7:5 5. Calaacalkoodu markuu u yimid Ciqaabkayaga ma ahayn waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Waxaanu ahayn daalimiin (gar diid).

7:6 6. Waxaanu weydiin kuwa loo soo diray (Rususha waxay ku Jawaabeen) waxaanuna sidoo kale weydiin Rususha (inay gaadhsiiyeen Farriimahii Alle dadka).

7:7 7. Waxaanu hubaal ugu aqoon warrami (camalladoodii oo dhan), mana aanaan ahayn (marnaba) kuwo maqan.

7:8 8. Miisaanku Maalintaasi (Qiyaamada) waa Xaq. kuwa uu ahaado miisankooda (camallada wanaagsan) culeys, waa kuwaasi kuwa liibaani.

7:9 9. Kuwa se uu ahaado miisaankooda (camallada wanaagsan) fudeyd, waa kuwaasi kuwa khasaariyey nafahooda dulmigay ku falayeen Aayadahayaga dartiis.

7:10 10. Waxaan idinku awood siinnay dhulka, waxaana idiinku dhex yeelnay asbaab noolaansho.Yaraa intaad mahdisaan (Alle).

7:11 11. Dhabtii waan idin abuurnay, oo idin suuraynay, markaasaan ku nidhi Malaa’igta u sujuuda Aadam. Markaasay sujuudeen Ibliis mooyee, kama uu mid ahayn kuwa sujuuday (xasad iyo kibir darti).