>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 113

5:32 32. Sidaas darteed baan ugu qornay Ilmahii Israa’iil (iyo dadkoo dhammi) in qofkii dila naf aan ( loo dileyn) naf (ay disahay) ama fasaadin arlada darteed - waa sida isagoo dilay dadka oo dhan. Qofkii nooleeyana naf waa sida qof nooleeyey dadka oo dhan [8]. Waxay Rusushayadii ula yimaadeen xujooyin cad, haddana iyadoo taasi jirto bay intaas ka dambow in badan oo iyaga ka mid ah ku falaan xadgudub arlada.

5:33 33. Jazaha kuwa la dagaallama Alle iyo Rasuulkiisa [9] ee ku dadaala inay ku falaan fasahaad arlada wax kale maahee waa uun in la dilo ama la daldalo ama loo gooyo gacmahooda iyo addimahooda is dhaaf [10], ama laga fogeeyo arlada. Arrinkani waa dulli ku raaca adduunkan, Aakhirana waxay leeyihiin Cadaab daran.

5:34 34. Kuwa tawbad keena maahee inta aydaan qaban ka hor, marka ogaada inuu Alle yahay Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

5:35 35. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada, oo u doonta xaggiisa dhowaansho, una jihaada Jidkiisa Aad liibaantaane.

5:36 36. Hubaal, kuwa gaalooba hadday lahaan lahaayeen waxa jira arlada oo dhan iyo wax sidaa oo kale u badan oo wehliya si ay isaga furtaan cadaabka Maalinta Qiyaamaha lagama aqbalayo, waxayna leeyihiin Cadaab xanuun Badan.