Cabdullaahi Xasan Yacquub — 99
4:128 128. Hadday haweeney ka cabsato fogaansho [51] ama jeedsasho Xagga ninkeeda ah, ma jiro eed korkooda ah, hadday ka heshiiyaan dhexdooda heshiis, heshiiska baana khayr badan, nafaha Aadmigana waxaa lagu laray masuugnimo. Haddaadse samo fashaan oo iska ilaalisaan (xumaha), Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
4:129 129. Ma kartaan inaad sameysaan caddaalad dhan (xagga jaceylka) xaasaska dhexdooda si kasta oo aad u dadaashaan ee ha ka iilannina (middood) iilasho dhan, oo aad markaas ka tagtaan sidiiyoo ay tahay mid lalmata (dayacan). Haddaad wax wanaajisaanna oo iska ilaalisaan 'xumaha', Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
4:130 130. Haddiise ay kala tagaan, wuxuu Alle ku kaafin mid walba wax ka mid ah Deeqdiisa. Alle waa Waasic (Fadligiisu) ballaaran yahay, Xigmad Badan yahay.
4:131 131. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waxaana u dardaarannay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey iyo idinkaba inaad ka cabsataan Alle, haddaadse gaalowdaan, hubaal Alle baa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle waa Hodan, Ammaanan.
4:132 132. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waa ku filan yahay Alle Wakiil ahaan.
4:133 133. Hadduu doono, Wuu idin tagsiin, dadow, oo keeni kuwo kale. Alle wuu Karaa inuu sidaa yeelo.
4:134 134. Qofkii raba abaalka adduunyadan, Alle baa haya abaalka adduunyadan iyo Aakhiradaba. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.