>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 98

4:122 122. Kuwa se (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaan galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Waa Ballan Alle oo Xaq ah. Yaa ka run badan Alle Hadalkiisa (waa cidna).

4:123 123. Ma aha hididdiillooyinkiinna [48] iyo hididdiillooyinka ehlu Kitaabka midna, qofkii falaa xumaan, waa laga goyn, mana u helayo naftiisa Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.

4:124 124. Qofkii fala camallo wanaaagsan lab ahaayaa ama dheddig oo mu'min ah, waxay kuwaa geli Jannada, lagamana dulmiyo dalool laf timireed wax le’eg.

4:125 125. Yaa ka diin fiican mid isu wada dhiiba Alle isagoo sama fale ah oo raaca diintii Ibraahiim, toosnihii. Wuxuu Alle ka yeeshay Ibraahiim saaxiib u gaar ah.

4:126 126. Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle waa wax walba koobe.

4:127 127. Waxay ku weydiin xukun ku saabsan haweenka (iyo maalkooda dhaxalka ah), dheh: Alle baa idiin sheegi xukunka arrinkooda [49], iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey [50], xagga arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta (waa inaad siisaan xuquuqdooda) iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Waxaad fashaan oo khayr ahna, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.