Cabdullaahi Xasan Yacquub — 96
4:106 106. Weydiiso Denbi Dhaaf Alle, Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan [44].
4:107 107. Ha u doodin kuwa khiyaameeya nafahooda. Hubaal, Alle ma jecla mid kastoo ah khaa’in, denbiile.
4:108 108. Waxay ka qariyaan (niyooyinkooda iyo camalladooda xun) dadka, kamase qarin karaan Alle, wuuna la jiraa (kula joogaa Cilmigiisa) markay ku caweeyaan habeenkii hadal uusan raalli ka ahayn, Allena wuu koobaa waxay camal falaan.
4:109 109. Eega! Idinka weeye kuwa (ay dhici karto) inay u doodaan noloshan adduunka, ee yaa uga doodi Alle agti Maalinta Qiyaamaha, ama u noqon wakiil difaaca?
4:110 110. Qofkii fala xumaan ama dulmiya naftiisa, markaas weydiista Denbi Dhaaf Alle, wuxuu heli Alle oo ah Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
4:111 111. Qofkiise gala denbi, wuxuu u galaa oo keliya dhibaateynta naftiisa oo isagay ka go'an tahay. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
4:112 112. Qofkii kasbada gef ama denbi, markaas ku eedeeya mid aan waxba galabsan [45], wuxuu xambaartay been abuurasho iyo denbi iska cad.
4:113 113. Hadduusan jirin Fadliga Alle korkaaga iyo Naxariistiisa, waxay hammin (dooni) lahayd koox ka mid ah inay ku marin habaabiyaan, mase marin habaabiyaan waxaan aheyn nafahooda, waxnana kuma yeeli karaan. Wuxuuna Alle kugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka iyo Xikmadda oo ku baray wax aadan horay u aqoon. Fadliga Alle ku siiyeyna waa mid aad u weyn.