>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 94

4:95 95. Ma ay sinna kuwa ka jooga (jihaadka) ee ka mid ah mu'miniinta iyagoo aan qabin wax dhib ah iyo kuwa kula jihaad gala Jidka Alle maalkooda iyo nafahoodaba. Alle wuxuu ka yeelay kuwa kula jihaad gala maalkooda iyo nafahooda inay dheeraadaan kuwa ka jooga (jihaadka) darajo (sare). Dhammaan wuxuu Alle u ballan qaaday wanaag; wuxuuna Alle kaga faddali kuwa jihaada kuwa ka jooga (Jihaadka) Ajar aad u Weyn.

4:96 96. Derejooyin (sare) oo Xaggiisa ah, iyo denbi dhaaf iyo Naxariiis. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

4:97 97. Kuwa ay oofsato malaa’igtu iyagoo dulminaya nafahooda [41], waxay (malaa'igtu ku) odhan: Maxaad ku sugneydeen oo xaal ah? Waxay odhan: Waxaanu ahayn kuwo tabar yar dhulka gudahiisa. Waxay odhan: Miyaaney ahayn arlada Alle mid ballaaran oo aad ku haajiri karteen [42]? Marka waa kuwaa kuwa hoygoodu yahay Jahannama, oo u xun aayotiin ahaan.

4:98 98. Marka laga reebo kuwa la daciifsado oo leh ragga iyo dumarka iyo carruurtaba oo aan xeelad lahayn, oo aan heli karin jid (loo baxsado).

4:99 99. Kuwaa waa intaasoo uu Alle iska cafiyo. Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan.

4:100 100. Qofkii u soo haajira Alle Darti, wuxuu ka heli dhulka meelo badan oo magan gal leh iyo risiq waasic ah. Qofkii ka soo baxaana gurigiisa isagoo u ah muhaajir xagga Alle iyo Rasuulkiisa oo markaas mowdku helo, wuxuu ajarkiisu saaran yahay Alle. Alle waa Denbi Dhaaf badane, Naxariis Badan.

4:101 101. Haddaad ku socdaashaanna dhulka (oo safar ku jirtaan), idin ma saarna eed haddaad soo gaabisaan salaadda [43], haddaad ka cabsataan inay dhibaato idiin geystaan gaalada, hubaal, gaaladu waxay idiin yihiin cadow cad.