>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 93

4:92 92. Uma habboona mu’min inuu dilo mu’min si gef ah ma’ahee, qofkii u dila mu’min si gef ah (waxaa saaran) xoreyn addoon mu’min ah iyo diyo la siiyo ehelkiisa, inay iska cafiyaan maahee sadaqo ahaan. Haddiise kan (la dilay) uu ka mid yahay qolo cadowgiin ah isaguna yahay mu’min xorayn addoon mu’min ah (baa ku filan), hadduu ka mid yahay qolo heshiis idiin dhexeeyo (waxaa saaran) diyo la siiyo ehelkiisa iyo xoreyn addoon mu’min ah. Qofkiise aan helin (addoon uu xoreeyo) waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah [39], u tawbad keen ahaan Alle. Alle waa Wax walba Oge, Xakiiim ah.

4:93 93. Qofkiise u dila mu'min si kas ah, jazahiisu waa Jahannama, uu ku dhex waari, Cadho Alle iyo Nacladi baana dushiisa ah, wuxuuna u diyaariyey cadaab daran [40].

4:94 94. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad u baxdaan (jihaad) Jidka Alle ah, wax hubsada, hana ku odhannina qofkii idiin soo bandhiga nabad: ma tihid mu‘min. Ma waxaad doonaysaan alaabada noloshan adduunka! Waxaase Alle agtiisa ah khayr iyo qaniimooyin tiro badan. Sidaasaad ahaydeen idinkuba intan ka hor, markaasuu Alle ku manneystey iimaan iyo khayr dushiinna, ee wax hubsada. Hubaal Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.