Cabdullaahi Xasan Yacquub — 92
4:87 87. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wuxuu idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Yaa ka run sheeg badan Alle oo hadla.
4:88 88. Muxuu yahay arrinkiinnu oo aad ugu qaybsanteen labo kooxood xagga munaafiqiinta? [37] Isagoo Alle uu dib ugu celiyey (gaalnimo) waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah)? Ma waxaad dooneysaan inaad hanuunisaan mid uu Alle lumiyey? Qofkiina uu Alle lumiyo, uma heleysid marnaba jid (uu ku hanuuno) [38].
4:89 89. Waxay doonayaan inaad u gaalowdaan siday u gaaloobeen oo sidaas darteed aad isku mid u wada noqotaan. Ee ha ka yeelannina xaggooda xulufo jeer ay uga soo haajiraan (guryahooda) Jidka Alle darti. Haddiise ay diidaan, markaa qab qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, hana ka yeelannina xaggooda sokeeye iyo gargaare midna.
4:90 90. Waxaan aheyn kuwa gaaraya qolo idinka iyo iyaga uu u dhexeeyo heshiiis (nabadeed), ama kuwo idiin yimaada iyagoo ay ka ciriiryoon tahay laabahooda inay idinla dagaallamaan ama la dagaallamaan qolodooda. Hadduu doono Alle, wuu idinku salladi lahaa, wayna idinla dagaallami lahaayeen, ee hadday idinka fogaadaan oo aanay idinla dagaallamin oo ay idiin soo bandhigaan nabad, markaa Alle idiinma furin wax jid ah (idinka aad kula dagaallantaan).
4:91 91. Waxaad heli kuwo kale oo raba inay idinka nabad galaan oo ka nabad galaan qolodooda. Mar kasta oo dib loogu celiyo fidmo waxay isugu tuuraan madaxmadax. Ee haddaysan idinka fogaan oo idiin soo bandhigin nabad, oo aanay laaban gacmahooda, markaa qabqabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, kuwaa waxaan idiin siinnay ka hor taggood xujo cad.