>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 90

4:75 75. Maxaadse u heysataan cudur daar inaydaan u dagaallamin Jidka Alle, iyo dartood kuwaa tabarta daran ee la dulleysto oo leh ragga iyo haweenka iyo carruurtaba (oo ka mid ah) kuwa dhaha: Rabbigayow! Naga saar magaaladan ay dadkeedu yihiin daalimiinta oo nooga yeel Xaggaaga ilaaliye na xafida, oo nooga yeel Xaggaaga gargaare.

4:76 76. Kuwa (Xaqa) rumeysan waxay u dagaallamaan Jidka Alle, kuwase gaalooba waxay u dagaallamaan jidka Shaydaanka. ee la dagaallama xulufada shaydaanka; hubaal dabinka shaydaanku waa daciif.

4:77 77. Miyaadan arag kuwa lagu yidhi: Ceshada gacmahiinna [36] oogana salaadda, oo bixiya Sakada, markase loo qoray inay dagaal galaan, mise koox ka mid ah waxay uga baqaan dadka siday tahay in looga baqdo Alle ama baqdin ka daranba. Waxayna yidhaahdaan: Rabbigayow! Maxaad noogu faral yeeshay dagaalka? Haddaad noogu dib dhigi laheyd muddo dhow? Dheh: Raaxada adduunka waa wax yar. Aakhirada baana u khayr badan kan iska ilaasha (shirkiga iyo xumaha kale) laydinkamana dulmiyo wax xuub le’egna ha ahaatee.

4:78 78. Meel kastoo aad joogtaan geeridu way idin haleeli, xitaa haddaad ku jirtaan daaro dhaadheer oo la adkeeyey. Hadday haleesho wanaag, waxay yidhaahdaan: Tani waa xagga Alle. Haddiise ay ku dhacdo xumaan, waxay yidhaahdaan: Tani waa xaggaaga. Dheh: wax walba waxay ka yimaadaan xagga Alle, ee maxaa ugu wacan dadkani in aanay ku soo dhowaanba inay fahmaan hadalka?

4:79 79. Wax kastoo ku haleela oo wanaag ah (Aadmigow) waa xagga Alle, waxase kugu dhaca oo xumaan ah waa xagga naftaada. Waxaana kuu soo dirnay (Nabiyow) dadka Rasuul ahaan, oo Alle baa ku filan Marag ahaan.