>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 87

4:52 52. Kuwaas weeye kuwa uu Alle nacladay, qofkiina uu Alle naclado weligii uma heleysid gargaare (shafeece Aakhirada).

4:53 53. Mise waxay qayb ku leeyihiin Boqortoo- yada (Alle)? markaase, ma ay siinayaan dadka kolay ku tahay xuubka ku dahaaran lafta timirta.

4:54 54. Mise waxay ku xasdaan dadka wuxuu Alle siiyey oo ka mid ah Deeqdiisa? Waxaanse siinnay reer Ibraahiim Kitaabka iyo Xikmadda, waxaanuna siinnay boqortooyo weyn (waagii xukunkii Daawuud iyo Sulaymaan).

4:55 55. Marka waxaa ka mid ah mid rumeeyey (Nabi Muxammad), waxaana ka mid ah mid ka jeesada; Jahannama baana ku filan inay gubto.

4:56 56. Hubaal, kuwa rumeyn diida Aayadahayaga, waxaanu galin Naar. Mar kasta oo ay gebi ahaan ku gubtaan hargahoodu, waxaan ugu beddeli haragyo kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka. Hubaal, Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

4:57 57. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaanu galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Waxay leeyihiin gudaheeda xaasas daahir ah, waxaana gelinaynaa hoosas harac ah.

4:58 58. Alle wuxuu idin amri inaad siisaan ammaanooyinka cidda iska leh, iyo in markaad u kala garsooreysaan dadka aad ugu kala garsoortaan caddaalad. Waxaa wanaagsan wuxuu Alle idinku waaniyo. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

4:59 59. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Alle oo adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), iyo kuwa idinka mid ah ee idiin haya talada. Haddaad wax isku qabataanna, u celiya Alle iyo Rasuulka, haddaad rumeysan tihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro. Arrinkani baa khayr badan oo cidhib wanaagsan.