Cabdullaahi Xasan Yacquub — 86
4:45 45. Alle baana yaqaan cadowyadiinna. Alle ku filan Wali (Xafide) ahaan, oo Alle ku filan Gargaare ahaan.
4:46 46. Qaar ka mid ah kuwa heysta (diinta) Yuhuudiyadda (waxaa jira kuwo) ka duwa erayada meelahooda oo yidhaahda: Maqallay oo caasinnay, maqal, laguma maqashiiye eh, Raacinaa, iyagoo ku iilaya (kelmedda) carrabkooda oo ku duraya diinta, hadday odhan lahaayeen (taa beddelkeed): Waan maqallay waana adeecnay, maqaloo na soo day, baa u khayr badnaan lahayd oo u toosnaan lahayd, Alle baase ku lacnaday gaalnimadooda darteed, marka ma rumeeyaan wax yar maahee.
4:47 47. Kuwa la siiyeyow Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada)! Rumeeya waxaan soo dejinnay (Qur’aanka) ee xaqiijin waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka) ka hor inta aanaan malaasin wajiyo markaas aan u celin dhabarradooda dushoood, ama aan u nacladin sidaan u nacladnay Sabti-jabiyayaashii. Amarka Alle waa mid abad fula.
4:48 48. Alle ma dhaafo in cid wax lala wadaajiyo, wuu se u dhaafaa waxa aan intaa ahayn qofkuu doono; qofkiina Alle wax la wadaajiya cibaadada, wuxuu been abuurtay denbi weyn [34].
4:49 49. Miyaanad u fiirsan kuwa (Yuhuudda iyo Nasaarada ee) ku ammaana nafahooda daahirnimo [35]. Mayee Alle baa daahiriya qofkuu doono, lagamana dulmiyo kolay ku tahay wax le’eg xuubka ku dahaaran lafta timirta.
4:50 50. Fiiri, siday uga been sheegaan Alle, arrinkani baana ugu filan denbi cad.
4:51 51. Miyaadan arag kuwa la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (waa Yuhuudda)? Waxay rumeeyaan sixir iyo ilaahyo been ah, oo ka yidhaahdaan kuwa gaalooba 'mushrikiinta': kuwakani baa ka hanuunsan (toosan) kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta) jidkooda.