Cabdullaahi Xasan Yacquub — 84
4:34 34.Raggu iyagaa ka mas'uul ah haweenka, waxa u Alle dheereysiiyey qaarkood (ragga) qaar (haweenka) darteed [25], iyo masruufka (ragga) maalkooda ay ka baxshaan. Haweenka wanaagsanna way adeecaan (nimankooda), ilaaliyaan maqnaanasha (nimankooda) ilaalinta Alle darteed [26]. Kuwase aad ka cabsataan caasinimadooda [27], waaniya, (hadday wax ku qaadan waayaan waanada) ka goosta dhinac jiifka, (hadday taana wax ku qaadan markaa) garaaca (garaac aayar ah aan waxyeeleyn) [28], hadday idin adeecaan, ha u raadinnina jid aad wax ku yeeshaan. Hubaal Alle waa Sarreeye, Weyn.
4:35 35. Haddaad ka cabsataan kala go’ dhex mara (ninka iyo xaaskiisa), markaa xil saara garsoore ka tirsan ehelkiisa iyo garsoore ka tirsan ehelkeeda, hadday rabaan heshiis, Alle wuu is waafajin. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xog Ogaal ah.
4:36 36. Caabuda Alle hana la wadaajinina cibaadada waxba, wanaajiyana labada waalid, qaraabada, agoomaha,masaakiinta, jaarka qaraabada ah, jaarka shisheeyaha ah [29], saaxiibka ku dhinac jooga, tub ku joogga (socotada go’doonsan) [30], iyo kuwa ay gacmahiinnu midig hantaan. Hubaal Alle ma jecla mid kastoo islaweyn, faan badan.
4:37 37. Kuwa ah bakhaylka oo ugu yeera dadka bakhaylnimada [31], ee qariya waxa uu Alle siiyey ee ka mid ah Deeqdiisa. Waxaanu u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa.