>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 83

4:27 27. Alle Wuxuu rabaa inuu idinka tawbad aqbalo, kuwase raaca shahwadooda, waxay rabaan inaad weecataan weecasho weyn.

4:28 28. Alle Wuxuu rabaa inuu idinka fudeydsho culeysyadiinna, aadmigana waxaa la abuuray daciif ahaan (xagga jidhka iyo xagga doonidda dumarka oo kama samri karo).

4:29 29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaq darro, inay tahay ganacsi (bannaan) aad raalli isaga tihiin mooyee. Hana dilina nafahiinna [24] (hana is dilina). Hubaal, Alle wuu idiin Naxariis Badan yahay.

4:30 30. Qofkii u falaa arrinkaa xadgudub iyo dulmi, waxaanu gelin Naar, arrinkaana Alle wuu u fudud yahay.

4:31 31. Haddaad ka fogaataan denbiyada waaweyn ee la idinka reebay, waxaan idin dhaafi denbiyadiinna (yar yar), waxaana idin gelin meel gelitaan sharaf leh (Janno).

4:32 32. Ha u hanqal taagina wuxuu Alle dheereysiiyey qaarkiinba qaarka kale. Raggu waxay leeyihiin saamiga waxay shaqeystaan, haweenkuna waxay leeyihiin saamiga waxay shaqeystaan, weydiistana Alle Deeqdiisa. Hubaal, Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.

4:33 33. Mid walbaa Waxaan u yeelnay dhaxlayaal (dhaxla) waxa (hanti ah) ay waalidka iyo qaraabada dhow ka tagaan. Kuwase aad iskula gunti xirateen dhaarahiinna ballan (walaaltinnimo) siiya saamigooda (inaad wax u dardaarantaan gaar ah). Hubaal, Alle wax kasta waa u marag shaahid ah oo wuu u jeedaa.