Cabdullaahi Xasan Yacquub — 81
4:20 20. Haddaad doontaanna inaad ku beddelataan xaas meesheed xaas kale idinkoo siiyey middood buur dahab ah, ha ka qaadannina waxba haba yaraatee oo ka mid ah; ma waxaad ku qaadanaysaan masabbid aad masabbidataan iyo inaad u geysataan gef caddaan ah?
4:21 21. Sidee baad uga qaadaneysaan idinkoo isu galmooday, oo ay idinka qaadeen axdi adag?
4:22 22. Ha guursannina haween ay aabbayaashiin guursadeen wixii horay u tegay ma’ahee. Arrinkani waa xumaan iyo wax aad loo naco, oo u xun jid.
4:23 23. Waxaa idinka xaaraan ah: Hooyooyinkiin [16] iyo gabdhahiinna iyo walaalooyinkiin iyo eeddooyinkiin iyo habar yarihiin iyo gabdhaha walaalihiin iyo gabdhaha walaalooyinkiin iyo hooyooyinka idin nuujiyey iyo walaalooyinkiin idinla naas nuugay, hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga [17] oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, Haddii aydaan u tagin ma jiro wax eed ah oo saaran korkiinna (inaad guursataan gabdhahooda), iyo xaasaska wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna; iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan [18], wixii horay u tegay ma’ahee; hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan [19].