Cabdullaahi Xasan Yacquub — 8
2:49 49. (Xusuusta) markaan idinka badbaadinnay dadkii Fircoon [11], ee idin dhadhansiiyey cadaab tan u daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegtaan), waxaana taas ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah.
2:50 50. Markaan idiin kala dhanballay badda, oo aan idin badbaadinnay, oo aan harqinnay dadkii Fircoon idinkoo arkaya.
2:51 51. (Xusuusta) markaan la sameennay ballan Muuse muddo afartan habeen ah, markaas aad yeelateen dibi (aad caabuddaan) kaddib (markuu tagey), waxaad tihiinna daalimiin (gar ma qaatayaal).
2:52 52. Markaasaan idin cafinnay intaas oo dhan kaddib si aad u mahdisaan (Alle).
2:53 53. (Xusuusta) markaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kala saaraha (xaqa iyo baadilka) si aad u hanuuntaan.
2:54 54. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkaygiiyow! Waxaad dulmideen nafahiinna ka dhigashadiinna dibiga (ilaah darteed). Ee u tawbad keena Uumihiinna oo is dila [12], Sidaasaa idiin khayr badan Uumihiinna xaggiisa, markaasuu (Alle) idinka aqbalay tawbaddiinnii, hubaal waa Tawbad Aqbalaha, Naxariista Badan.
2:55 55. (Xusuusta) markaad tidhaahdeen: Muusow! Kuma rumeysaneyno jeer aan u aragno Alle si caddaan ah. markaasaa biriq idinku dhacday idinkoo eegi.
2:56 56. Haddana waan idin soo nooleynay dhimashadiinnii kaddib, si aad u mahdisaan (Alle, af, uur, iyo addinba).
2:57 57. Waxaana har idiinka yeellay daruuraha, oo idiin soo dejinnay Manna (kimis macaan malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimibireed sida Samaanka): Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan aanu idin siinnay; waxbana nooma dhimin, waxayse uun dulmeen oo wax u dhimeen nafahooda.