Cabdullaahi Xasan Yacquub — 77
4:1 1. Dadow! Ka cabsada Rabbigiin ee idinka abuuray naf keliya (Aadam), ee ka abuuray lammaankeeda (Xawwaa), kana tafiirmay xaggooda rag tiro badan iyo haweenba; oo ka cabsada Alle ee ah Kan aad isku weydiisataan (xuquuqdiinna), (dhowrana xaqa) qaraabada [1]. Hubaal Alle waa idin dhowri oo u jeedaa (acmaashiinna oo og yahay).
4:2 2. Siiya agoomaha maalkooda, hana kaga beddelannina (waxyaalo) xun oo liita (aad leedihiin) waxooda wanaagsan; hana ka hunguriyeynina maalkooda (idinkoo ku darsanaya) maalkiinna. Arrinkaa hubaal waa denbi weyn.
4:3 3. Haddaad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmin si caddaalad ah (gabdhaha) agoomaha ah, markaa guursada haween- kaa (kale) wixii idinla habboonaada, labo, seddex iyo afarba. Haddaadse ka cabsataan inaydaan u caddaalad falin [2] markaa (ku ekaada guursiga) mid keliya [3] ama waxay gacmahiinnu midig hantaan [4]. Arrinkaa baa u dhow inaydaan dulmi falin.
4:4 4. Siiya haweenka meherradooda siismo waajib ah idinkoo ku niyad san, hadday se iyaga naf ahaantooda idiinka raalli noqdaan inay idiin daayaan wax ka mid ah (meherka), markaa ku qaata wanaag iyo kal samaan.
4:5 5. Ha siinnina makasta (aan maamuli karin) maalka uu Alle idiinka dhigay waxaad ku nooshihiin [5], kase quudiya oo uga arrad tira, kulana hadla hadal wanaagsan oo gar ah.
4:6 6. Imtixaama agoomaha markay gaaraan Guur; haddaad ku aragtaan wax garadnimo, siiya maalkooda, hana u isticmaalina si xadgudub ah iyo ka degdegid intayna weynaan, qofkii hodan ah ha ka dhowrsado dhammaanti, qofkiise fiqiir ah, (wax) ha ka cuno si la garwaaqsan karo. Markaad u dhiibeysaanna maalkooda, u yeela markhaati iyagoo jooga; Allena waa ku filan yahay xisaabiye ahaan.