Cabdullaahi Xasan Yacquub — 75
3:187 187. (Xus, Nabiyow) markuu Alle la galay axdi (ku cad Towraadda) kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), inaad u caddeysaan dadka oo aydaan ka qarinnin 'imaanshaha Nabi Muxammad' [40], waxayse ka tuureen dhabarradooda gadaashood, oo ay ku iibsadeen qiimo yar. ee xumaa waxay iibsan.
3:188 188. Ha moodina in kuwa ku farxa waxay la yimaadeen, oo jecel in lagu ammaano wax aysan falin - ha moodina inay ka badbaadayaan cadaabka, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
3:189 189. Alle baana iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arladaba. Alle wax walba wuu Karaa.
3:190 190. Xaqiiq, abuurista samooyinka iyo arlada iyo isbeddelka habeenka iyo maalinta, waxaa ugu sugan calaamooyin wax garadka.
3:191 191. Kuwa xusa Alle joog iyo fadhi iyo iyagoo u jiifa dhinacyadoodaba, kana fekera abuurista samooyinka iyo arlada: Rabbigayow! Uma aadan abuurin waxakani baadil, Adigaa ka hufan (xumaan) oo xurmoo dhan leh, ee naga badbaadi cadaabka Naarta.
3:192 192. Rabbigayow! Qofkii aad geliso Naar, xaqiiq waa dulleysay, daalimiintuna ma leh (Aakhirada) gargaarayaal (iyo shafeecayaal midna).
3:193 193. Rabbigayow! Waxaanu maqallay baaqe (Nabi Muxammad) ku baaqaya Iimaanka (oo leh): Rumeeya Rabbigiin, markaasaan Rumaynay. Rabbigayow! Ee noo dhaaf dunuubtayada,oo noo astur xumayaalkeenna, na oofsana la jirka baarriyiinta.
3:194 194. Rabbigayow! Na sii waxaad noo ballan qaadday ee Rusushaadu na soo gaarsiisay oo hana dulleyn Maalinta Qiyaamaha, Adigu ballanka kama baxdide.