Cabdullaahi Xasan Yacquub — 74
3:181 181. Dhab ahaan wuu maqlay Alle odhaahda (Yuhuuddii) yidhi: Alle waa faqiir innagaana hodan ah. Waanu qori waxay yidhaahdeen iyo ku dilkoodii anbiyada gar darro, oo waxaanu odhan: "Dhadhamiya Cadaabka Gubashada."
3:182 182. Waxakani waa waxay gacmihiinnu horay u geysteen (oo denbiyo ah) iyo sababta inaanu Alle ahayn mid ku gardarrooda addoomaha.
3:183 183. (Kuwaas weeye) kuwii yidhi, Alle wuxuu nagula ballantamay inaanaan rumeyn Rasuulna jeer uu noo keeno qurbaan uu dab (cirka ka yimaada) cuno. Dheh: Waxay idiinla yimaadeen Rusullo iga horreeyey xujooyin cad iyo waxaad dalabteenba, ee maxaad u disheen haddaad run sheegaysaan?
3:184 184. Hadday ku beeniyaan sidaa oo kale baa loo beeniyey Rusul kaa horraysay, oo la yimid xujooyin cad, Qoraallo iyo kitaab iftiimaya.
3:185 185. Naf walba waxay dhadhamin dhimasho, waxaa uun la idiin oofin ajarkiinna Maalinta Qiyaamaha. Ee qofkii laga fogeeyo Naarta ee la geliyo Jannada wuu liibaanay. Ma aha nolosha adduunka waxaan ahayn raaxo lagu dagmo.
3:186 186. Waan idinku imtixaami maalkiinna iyo nafahiinnaba, waxaadna xaqiiq ka maqleysaan kuwa la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo xagga kuwa ah mushrikiinta hadal badan oo idin dhiba, haddaad samir yeelataanna oo Alle u hoggaansantaan, hubaal, arrinkaas waa ka mid umuuraha la go’aansado.